Maradona oo ku tilmaamay madaxweynaha Real Madrid Florentino Perez inuu yahay kan ugu fiican aduunka

(Real Madrid) 30 Juunyo 2018. Diego Maradona ayaa xaqiijiyay in madaxweynaha Real Madrid Florentino Perez inuu yahay kan ugu fiican aduunka.

Halyayaga reer Argantina ayaa wuxuu u sheegay wargeyska “Marca” ee dalka Spain in Perez uu u arko inuu yahay kan ugu fiican aduunka.

“Florentino Perez ayaa iila muuqda aniga ahaan inuu yahay lambarka 1-aad, waa madaxweynaha ugu fiican kooxaha kubada cagta shaki la’aan”.

“Waxaan la leeyahay Florentino Perez xiriir aad u wanaagsan”.

“Ma jiro madaxweyne la mid ah Florentino Perez xiligan, Karl-Heinz Rummenigge ee ah madaxa fulinta ee Bayern Munich wuxuu mudan yahay ixtiraam, laakiin ma heysto awood la mid ah tan Perez oo kale”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close