“Lionel Messi ayaa iga dhigay inaan jeclaado kubada cagta”… Paul Pogba

(Russia) 30 Juunyo 2018. Xidiga khadka dhexe kooxda Manchester United iyo xulka qaranka France Paul Pogba ayaa ka hadlay sida weyn uu ugu faraxsan yahay in ay guul kaga gaaraan wareega 16-ka koobka aduunka 2018.

Xulka qaranla France ayaa noqday xulka ugu horeeyay ee gaara wareega 8-da ee koobka aduunka 2018. Pogba ayaana kulankan bixiyay qaab ciyaareed aad u wanaagsan.

Paul Pogba ayaa in badan ku amaanay Lionel Messi kadib marka uu kulanka soo idlaaday.

“Waxaan la ciyaarnay xidiga ugu fiican kubada cagta aduunka mudada 10-kii sano ee lasoo dhaafay, sanooyinkan oo dhan waan daawan jiray kubadiisa, wax badan ayaana ka bartay”.

“Wuxuu iga dhigay inaan jeclaado kubada cagta, waxaan kala hor tagnay dheerigalin, waxaan dooneynay inaan ciyaaro oo aan badino, waxaan dhihi karaa, wuxuu ahaan doonaa xidiga aan kaga daydo kubada cagta ciyaaryahan ahaan iyo shaqsi ahaanba”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close