Juan Quintero oo ka hadlay wararka la xiriirinaya Real Madrid

(Madrid) 30 Juunyo 2018 Xiddiga cajiibka ah ee xulka qaranka Colombia ee Juan Quintero ayaa ku jira liiska dhawr xiddig oo Real Madrid ay sifiican u la socoto xaaladooda suuqa xaggaagan.

25 jirkaan reer Colombia ayaa qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigay xulkiisa kulamadii wareega guruubyada ee koobka adduunka.

Juan Quintero ayaa la waydiiyay wararka la xiriirinaya Real Madrid, wuxuuna yiri:

“Real Madrid? Waqtiga ayaa wax walba noo sheegaya, haatan lama joogo waqtigii ku haboonaa ka hadalka arinkaas, waan faraxsanahay, waxaan xooga saarayaa kaliya arimaha xulkeyga Colombia”.

“Saamayn iguma yeelanayaan waxa ka dhacaya banaanka (wararka suuqa), muhiimadu waa waxa aan halkaan ka qabanayo”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close