Dekedda oo guuldarro ku bilaabatay koobka kooxaha Cecafa

( Dar Es Salaam) 30  Juunyo 2018 Kooxda ka socota dalkeena Soomaaliya ee Dekedda ayaa guuldarro kala kulantay naadiga Simba ciyaar ka tirsan tartanka Kooxaha CECAFA.

Koobkaan ayaa lagu marti galinayaa dalka Tanzania,waxaana ka qayb qaadanaya dhowr kooxood ay qayb ka tahay Dekedda.

Ciyaarta ayaa ku billaabatay si dar dar ah iyadoo Dekedda loogu hor maray saddex gool qaybtii koowaad ee dheesha.

Markii la isku soo laabtay Simba ayaa heshay goolkii afaraad iyadoo ciyaarta ku soo dhamaaatay 4-0.

Sikastaab guruubka C waxaa min saddex dhibcood leh kooxaha reer Tanzania ee Simba iyo Singida United, iyadoo Dekedda iyo APR ay ugu hooseeyaan.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close