Dekedda oo galabta ciyaaraysa kullankii ugu horeeyay koobka kooxaha Cecafa

( Dar Es Salaam) 30  Juunyo 2018. Kooxda Dekedda ayaa ciyaari doonta kullankii ugu horeeyay heerka guruubyada koobka Cecafa Kagame Club Cup oo shalay ka Furmay Tanzania.

Naadiga ku guulaysatay horyaalka dalkeena ayaa galabta wajahaysa naadiga Simba oo  ka dhisan wadanka lagu marti galinayo koobkan.

Sida jadwalka ku cad kullanka ayaa soo dhici doono 2:00 oo duhurnimo, waxaana kooxdan ay ku jirtaa guruubka C, oo ah guruub adag.

Kullanka ayaa lagu ciyaari doona garoonka National ee magaalada Dar Es Salaam, waxaana labada kooxood ay ku kala guulaysteen horyaalada Soomaaliya iyo Tanzania.

Faysal Xaashi iyo Welech ayaa kooxda dhaawac ka ah in kastoo ay macquul tahay in ay u saftaan.

Mustaf Nakuuja oo ah goolhayaha Heegan,Baanuu oo isna daafac ugu ciyaaro Banaadir ayaa safarka ku wehliya naadiga Yuu Cali uu hoggaamiyo.

Ciyaarta ayaa si  toos ah waxaa loogu daawan doonaa Tv-ga AZAM oo laga leeyahay dalka Tanzania,waxaana sidoo kale xusid mudan in SS9 laga daawanayay ciyaarihii shalay dhacay.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close