Barcelona oo u adeegsaneysa laba dhinac heshiiska ay ku dooneyso saxiixa Willian

(Barcelona) 30 Juunyo 2018. Barcelona ayaa dooneysa inay lasoo saxiixato ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Chelsea Willian intii lagu jiray xilliga xagaaga.

Wargeyska “Mundo Deportivo” ee Spain ayaa sheegay in Barcelona ay weli rajeyneyso inay dhameystirto heshiiska 29 jirkan si ay u xoojiso weerarka kooxdeeda.

Waxaa jiray warar sheegayay in Chelsea ay diiday dalab kaga yimid Barcelona ee gaarsiisan 50 milyan ginni, si ay kaga qaataan saxiixa Willian.

Laakiin wararka ayaa waxay intaas kusii darayaan in kooxda reer Catalonia ay dooneyso in saxiixa Willian ay u adeegsato laba dhinac si ay u dhameystirto.

Arinta koowaad ayaa ah Kia Joorabchian ee ah wakiilka Willian oo sidoo kale ah wakiilka xidigha reer Brazil ee Coutinho iyo Paulinho. Wuxuuna xiriir wanaagsan la leeyahay kooxda Barcelona.

Maamulka kooxda Barcelona ayaa waxay doonayaan in Kia Joorabchian uu laacibka reer Brazil uu ku qanciyo imaatinka Cump Nou.

Barcelona ayaa sidoo kale rajeyneysa in labadeeda laacib ee Coutinho iyo Paulinho ay arintan si weyn kaga caawiyaan si Willian uu u yimaado kooxda xili ciyaareedka soo aadan.

Qorshaha Barcelona ayaa ah in Coutinho iyo Paulinho ay kula hadlaan saaxiibkood Willian inta ay ku gudi jiraan waajibaadka xulkooda qaranka Brazil ee koobka aduunka 2018.

Manchester United uu hogaaminayo Jose Mourinho ayaa iyadana qeyb ka ah kooxaha xiiseenaya adeega laacibka reer Brazil ee Willian.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close