Waa sidee xaalada Marcelo ka hor kulanka Mexico?

(Moscow) 29 Juunyo 2018 Marcelo ayaa dhaawac dhanka dhabarka ah looga saaray kulankii xulka Brazil uu guusha ka gaaray dhigiisa Serbia.

Wararka ka imaanaya Brazil ayaa sheegaya in laacibku uusan ka qayb qaadan tababarkii saaka ee xulka ka hor kulanka isniinta ee Mexico.

Sidaas oo ay tahay Mundo Deportivo ayaa baahisay in Marcelo uu hormar ka samaynayo soo kabashadiisa ku aadan dhaawicii ka soo gaaray dhanka dhabarka.

Tababare Tite wax wal wal ah kama qabo taam ahaanshaha Marcelo, sida muuqata laacibka ayaa diyaar u ah inuu ciyaaro kulankaas.

Dhanka kale, xulka ayaa sugaya soo laabashada Douglas Costa kaas oo ku dhaawacmay kulankii Costa Rica, halka Fred uu si fiican uga qayb qaatay tababarka xulka Brazil.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close