Tababaraha Uruguay oo sheegay qaabka ay u celinayaa Cristiano Ronaldo

(Moscow) 29 Juunyo 2018 Tababaraha xulka qaranka Uruguay ee Oscar Tabarez ayaa ka hadlay qaabka ciyaartoydiisu ay u celinayaan Ronaldo habeen dambe.

Oscar Tabarez ayaa sheegay in Godin uusan u xil saarayn kaliya ilaalinta Ronaldo, balse qorshaha ayaa ah in ciyaartoydu ay si wada jir ah u ilaaliyaan kabtanka xulka Portugal.

Image result for Oscar Tabarez Ronaldo

71 jirkaan oo saxaafada la hadlay ka hor kulanka habeen dambe ayaa yiri:

“Ronaldo wuxuu u yahay xulka Portugal hogaamiye wayn oo dhanka gudaha garoonka ah, kuma amrayno Godin inuu waardiye ka haayo kaliya Ronaldo”.

“Laakiin waxaan isku dayeeynaa inaan si wada jir ah u celino qatartiisa, waxaan rumaysanahay in qaab kaas uu yahay sida ugu fiican ee aan ku celin karno”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close