Nabil Fekir oo iska diiday dalab kaga yimid kooxda reer Spain ee Real Madrid

(Real Madrid) 29 Juunyo 2018. Sida ay shaaca ka qaadeen wargeysyada gudaha dalka France, xidiga khadka dhexe xulka qaranka France ee Nabil Fekir ayaa wuxuu wali doonayaa inuu ku biiro kooxda Liverpool.

Heshiiska Nabil Fekir uu ugu biiri lahaa kooxda reer England ee Liverpool kahor inta uusan bilaawan koobka aduunka 2018 ayaa fashilmay xiliyadii ugu dambeeyay, laakiin xidiga reer France ayaa wali jecel inuu u dhaqaaqo garoonka Anfield.

Wargeyska “L’Équipe” ee dalka Fance ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in kooxda Real Madrid ay xiiseeneyso saxiixa Nabil Fekir balse laacibka reer France ayaan dooneynin inuu u dhaqaaqo garoonka Santiago Bernabéu

Wararka ayaa waxay intaas kusii darayaan in mustaqbalka Nabil Fekir si rasmi ah loo go’aamin doono kadib marka uu soo idlaado koobka aduunka 2018, waxaana suuragal ah in marka ay dib u furmaan wada hadalada kooxaha Liverpool iyo Lyon, sababa la xiriira in laacibka uu si xoogan u xiiseenayo inuu u dhaqaaqo kooxda reer Spain ee Los Blancos.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close