Mustaqbalka Joachim Low ee xulka Germany oo go’aan laga gaarayo isbuuca dambe

(Berlin) 29 Juunyo 2018 Shaki wayn ayaa laga muujinayaa in tababare Joachim Low uu sii ahaan karo tababaraha xulka Germany wixii ka danbeeya isbuuca dambe.

Tababare Low ayaa wajahaya eedeyn ku aadan inuu isagu masuul ka ahaa in xulka qaranka Germany uu ka haro koobka adduunka ee haatan ka socda Ruushka.

Madaxwaynaha xiriirka kubadda cagta Jarmalka ayaa xaqiijiyay in lagu maqan yahay soo uruurinta waxyaabihii saxda ahaa ee sababay in Germany ay ka harto koobka adduunka.

Macluumaad kaas ayaa la soo bandhigayaa isbuuca dambe, markaas ayaana go’aan laga gaarayaa mustaqbalka tababare Joachim Low.

Waxaa xusid mudan in tababare Low uu u saxiixay heshiis gaaraya ilaa 2022 xulka Germany ka hor intii uusan bilaaban koobka adduunka.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close