“Ka waran haddii aad Ronaldo ku la tartanto doorashada madaxtinimada?” – Donald Trump oo hadalkaan ku yiri madaxwaynaha Portugal!

(Washington) 29 Juunyo 2018 Madaxwaynaha dalka maraykanka ee Donald Trump ayaa hadal wayn ku yiri madaxwaynaha dalka Portugal oo ay kulmeen.

Donald Trump ayaa u sheegay madaxwaynaha Portugal inuu og yahay in Ronaldo uusan ku la tartamayn madaxtinimada dalkiisa, balse madaxwayne Marcelo kama jawaabin su’aashaas.

Madaxwaynaha Portugal oo daan-daansiga bilaabay ayaa yiri:

“Ha iloobin in Portugal ay haysato laacibka ugu fiican adduunka, kaas oo magaciisa la dhaho Cristiano Ronaldo, waan hubaa in wiilkaagu uu garanayo”.

Trump ayaa yiri: Haa, waa uu garanayaa”.

Marcelo Rebelo de Sousa oo hadalka sii wata ayaa yiri: “Ha hilmaamin in haddii aad aado Ruushka inta uu socdo koobka in Portugal ay joogto halkaas oo ay ku dadaalayso inay ku guulaysato koobka”.

Trump ayaa yiri: “Oo shaqo fiican miyeey qabanayaan?”. Marcelo ayaa ugu jawaabay: “Haa, shaqo aad iyo aad u fiican ayeey qabanayaan”.

Trump ayaa yiri: “Hadaba ii sheeg ilaa intee ayuu wanaagsan yahay (Ronaldo), qaab ciyaareedkiisa ma la dhacsan tahay?”, Marcelo ayaa ugu jawaabay: “Si wayn ayaan u la dhacsanahay, Cristiano Ronaldo waa laacibka ugu fiican adduunka, waxaan dhihi karaa isku duba ridka koobku wuxuu ahaa mid guulaystay”.

Trump ayaa yiri: “Hadaba Cristiano ma isku soo sharaxayaa si uu kuugula tartamo madaxtinimada?, kaama guulaysanayo, waad ogtahay inuusan sidaas samayn karin”.

Marcelo ayaa ku jawaabay: “Madaxwayne waxaan kuu sheegayaa in Portugal aysan ahayn USA, waa ay kala duwan yihiin”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close