“Is badalo xanuun badan ayaa sugaya xulka qaranka Germany”….Philipp Lahm

(Russia) 29 Juunyo 2018. Kabtankii hore xulka qaranka Germany Philipp Lahm ayaa ka hadlay maanta oo jimco ah in xulka Germany uu xili hore isaga haray koobka aduunka 2018.

Philipp Lahm ayaa u sheegay wargeyska  “Sport 1” ee dalka Germany in xulka qaranka Germany ay ka dhici doonaan isbadalo xanuun badan.

“Xulka wuxuu la kulmi doonaa isbadalo xanuun badan, sababa la xiriira sida lama filaanka ah aan kaga harnay koobka aduunka 2018”.

“Isbadalada waxay noqon doonaan kuwo xanuun badan, laakiin waxaan ku boorinayaa hogaamiyaasha xulka qaranka Germany inay wax ka qabtaan caqabadaha hor taagan”.

“Guuldarooyinka koobka aduunka 2018, waa inay noqdaan aasaaska guulaha mustaqbalka”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close