Fernando Santos oo sheegay in Cristiano Ronaldo kaligiis uusan ku guuleysan Karin koobka aduunka 2018

(Russia) 29 Juunyo 2018. Macalinka xulka qaranka Portugal Fernando Santos ayaa sheegay in xulka qaranka Uruguay uu heysto macalin wanaagsan ee aad u caqli badan, kaasoo soo maamulayay mudo dhan 12 sano,

Xulalka Portugal iyo Uruguay ayaa habeen dambe isku arki doona wareega 16-ka koobka aduunka 2018.

Macalinka xulka qaranka Portugal ee Fernando Santos ayaa kasoo muuqday shir jaraa’iid kahor kulankan wuxuuna ka war bixiyay xaalada kulanka la wada sugayo.

“Waxay heystaan koox xoog leh, si fiican ayay u difaacanayaan, way adagtahay sidii loo heli lahaa daciifnimo, waxay leeyihiin tayo badan oo shakhsi ah”.

“Waxaan si taxadar leh isugu daynay inaan barano meelaha ay kaliitaan, waa kulan u dhaxeeya laba xul waaweyn, waxaana aaminsahay in Portugal ay guuleysan doonto”.

“Waxaa hubaal ah inaan heysano mid ka mid ah xidigaha ugu wanaagsan aduunka, balse Uruguay waxay heysataa Luis Suárez iyo Edinson Cavani, laakiin ugu dambeyn waxa ugu muhiimsan ayaa ah kooxda”.

“Waa kulan koox dhan, hadii uu Cristiano Ronaldo kaliya yahay kan ciyaaraya, waa hubaal inaan guuldareysan doono, waxaa waajib ah inaan noqono koox adag, waana waxa ugu muhiimsan”.

“Uruguay waxay sidoo kale heysataa ciyaartoy ka ciyaarta kooxaha Atletico, PSG, Barcelona iyo Juventus”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close