Fabinho oo gaaray kooxda Liverpool si uu ula bilaawo tababarka markii ugu horeesay

(Liverpool) 29 Juunyo 2018. Ciyaaryahanka khadka dhexe reer Brazil ee Fabinho ayaa gaaray kooxdiisa cusub ee Liverpool, si uu kaga qeyb galo tababarka loogu diyaar garoobayo xili ciyaareedka cusub ee 2018/2019.

Liverpool ayaa si rasmi ah kala saxiixatay Fabinho kooxda Monaco bilawga bisha haatan socota aduun dhan  38 million pounds.

Xidiga khadka dhexe reer Brazil ayaa la filayay inay soo gaaro kooxda Liverpool sida heshiiska ku xusnaa 1-da July ee ku beegan maalinta Axada soo aadan.

Kaamirooyinka ayaa waxay soo qabteen Fabinho oo ku sugan garoonka diyaaradaha ee magaalada Liverpool, kadib markii uu so oaf jaray fasaxiisa si uu qeyb kaga noqdo tababarka kooxda 1-da July ee ku beegan maalinta Axada soo aadan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close