Booliiska magaalada Qaahira oo soo badbaadiyay Salah iyo qoyskiisa kadib markii …..!! +SAWIRRO

(Cairo) 29 Juunyo 2018 Booliiska caasimada Masar ee Qaahira ayaa soo badbaadiyay Mohamed Salah iyo qoyskiisa kadib markii kumanaan taageerayaal ah ay soo buux dhaafiyeen gurigiisa.

Inkabadan 200 oo taageere ah ayaa soo buux dhaafiyay guriga Salah uu ka dagan yahay magaalada Qaahira, halkaas oo uu haatan ku qaadanayo fasaxa xaggaaga kadib markii xulkiisu uu ka soo haray koobka adduunka.

Shaqsi ayaa barta Facebook ku baahiyay cinwaanka guriga Mohamed Salah ee magaalada Qaahira kadib markii uu soo daba kacay xili uu ka soo baxay Masjid uu ku tukanayay sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Qaahira.

Mohamed Salah ayaa sawiro la galay taageerayaasha soo buux dhaafiyay gurigiisa, laakiin waxaa lama filaan ku noqday in tirada taageerayaasha ay daqiiqad walba sii kordhaysay.

Booliiska ayaa durba soo gaaray guriga Mohmamed Salah, waxaana lagu guulaystay in isaga iyo 4-kamid ah qoyskiisa laga saaro guriga xili 4-saacadood ay ku dhex xayirnaayeen.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close