Benzema oo ugu hanjabay Real Madrid inuu ka tagayo haddii aan …..!!

(Madrid) 29 Juunyo 2018 Weerar yahanka reer France ee Karim Benzema ayaa u hanjabay kooxdiisa kadib eedeyntii loo jeediyay xiliciyaareedkii hore.

Don Balon ayaa daaha ka qaaday in Benzema uu la kulmay madaxwaynaha Real Madrid ee Florentino Perez, wuxuuna ugu hanjabay inuu ka tagayo kooxda haddii aan loo balan qaadin boos joogto ah.

Qandaraaska Benzema ee Real Madrid ayaa lagu burburin karaa hal biylan oo euro, Real Madrid ayaana diyaar u ah inay iska fasaxdo xaggaagan haddii ay ku hesho qiimo macquul ah.

Kooxda Napoli ayaa diyaar la ah lacag dhan 80 milyan oo euro si ay ugu qanciso Real Madrid iibka laacibkaan aan kalsoonida ka haysan taageerayaasha kooxda.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close