Steve Mandanda oo ka digay awooda Messi uu wax walba ugu sameyn karo xulka qaranka France

(Russia) 28 Juunyo 2018. Goolhaayaha reer France Steve Mandanda ayaa ka digay qatarta ka imaan karta xulka qaranka Argantina kulanka ay ku wada ciyaari doonaan wareer 16-ka ee koobka aduunka 2018.

Xulka qaranka Argantina ayaa u soo gudbay wareega 16-ka koobka aduunka 2018. Kadib markii ay guul dirqi ee 2-1 ah ay kasoo gaareen Nigeria

Steve Mandanda ayaa qiray in halista ugu hoogan ee ka imaan karta Argantina ay tahay Lionel Messi, kaasoo uu ku tilmaamay inuu ka sameyn karo wax walba gudaha garoonka.

Goolhaayaha reer france ayaa sheegay inay muhiim tahay in si xoogan loo kormeero dhaqdhaqaaqa kabtanka reer Argentina islamarkaana la yareeyo halista ka imaan karta.

“Waxaan u baahannahay daafac fiican oo si aad ah isugu dhaw, inkastoo Messi uu awood u leeyahay inuu sameeyo wax walba”.

“Waan ka war qabnaa waana nalooga digay awoodiisa joogtada ah”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close