Ronaldo iyo Real Madrid oo qaaday tilaab cadaynaysa inuu ka tagayo kooxda iyo labo kooxood oo uusan ku biiri karin!

(Madrid) 28 Juunyo 2018 Cristiano Ronaldo iyo Real Madrid ayaa isla gaaray heshiis u muuqda in laacibku uu isaga tagi karo kooxda suuqa xaggaagan.

Laacibka ayaa sheegay inuu ka fikirayo mustaqbalkiisa Real Madrid kadib ku guulaysigii kooxdiisa ee Champions League.

Shabakada OkDiaro ayaa daaha ka qaaday in Real Madrid iyo Ronaldo ay isku af garteen in la dhimo qiimaha lagu burburin karo qandaraaskiisa kooxda.

Hal bilyan oo euro ayaa lagu burburin karaa qandaraaska Ronaldo ee Real Madrid, waxaana haatan la isku afgartay in laga dhigo kaliya 120 milyan oo euro taas oo loo fasirtay inuu ka tagayo kooxda.

Heshiiska waxaa qayb ka ah in koox walba oo miiska soo saarta qiimahaas uu Ronaldo ku biiri karo marka laga reebo Barcelona iyo PSG.

Labadaan kooxood ayaa ku la wareegi kara Ronaldo haddii ay u baahdaan hal bilyan oo euro.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close