RASMI: Kooxda Valencia oo ku dhawaaqday saxiixa difaaca reer France ee Mouctar Diakhaby

(Valencia ) 28 Juunyo 2018. Kooxda Valencia ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday  saxiixa difaaca reer France iyo kooxda Lyon Mouctar Diakhaby, wuxuuna imaan doonaa kooxda reer Spain maalinka Axada ee soo aadan.

Valencia ayaa ku guuleesatay inay sameyso saxiixa difaac cusub, kadib markii xili ciyaareedkii lasoo dhaafay ay dhibaato xoogan kala soo kulantay dhanka difaaca .

Kooxda Valencia ayaa ka saxiixatay Mouctar Diakhaby heshiis gaarsiisan ilaa iyo sanada 2023, xili qiimaha lagu kansali karo heshiiskiisa laga dhigay aduun dhan 100 million euros.

Wararka ayaa waxay intaas kusii darayaan in Valencia ay ku garaacday saxiixa difaaca Mouctar Diakhaby kooxo fara badan ee qaarada yurub, waxayna kaga soo saxiixatay Lyon aduun dhan 15 million euros.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close