France oo wajahaysa dhibaato cusub ka hor kulanka Argentina (Maxaa dhacay)

(Moscow) 28 Juunyo 2018 Xulka qaranka France ayaa wajahaya dhibaato cusub oo dhanka daafaca ah ka hor kulanka sabtiga ee Argentina.

Daafaca Atletico Madrid ee Lucas Hernandez ayaa ku dhaawacmay kulankii Denmark, waxaana la sheegayaa in laacibku uusan tababar la qaadan xulka.

Idaacada RMC ayaa daaha ka qaaday in 22 jirkaan uusan ka qayb qaadan tababarkii saaka ee xulka France uu ugu diyaar garoobayay kulanka Argentina.

Tababare Didier Deschamps ayaa wajahaya madax xanuun maadaama ay adkaan doonto inuu ku la soo dag dago garoonka laacibka kulanka Argentina.

Lucas Hernandez ayaa ku soo wada bilowday dhamaan 3-dii kulan ee xulka France uu ciyaaray wareegii guruubyada koobka adduunka.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close