Boateng oo jawaab rasmi ah ka bixiyay musiibada kasoo gaartay xulkiisa Germany koobka aduunka 2018

(Russia) 28 Juunyo 2018. Difaaca kooxda Bayern Munich Jerome Boateng ayaa ka raali galiyay jamaahiirta in xulka qaranka Germany uu ka haro koobka aduunka 2018, kadib guuldaradii 2-0 ahayd ee kasoo gaartay

Xulka qaranka Germany ayaa saddexdii kulan ay ka ciyaareen Group F waxay guuldaro kala kulmeen xulalka South Korea iyo Mexico, kaliya waxay 3-da dhibcood ka heleen Sweden.

Jerome Boateng ayaa jawaab rasmi ah ka bixiyay musiibada kasoo gaartay xulkiisa Germany koobka aduunka 2018, kahor inta uusan xaqiijinin in loo baahan yahay in laga hadlo qaladaadka si looga fogaado inaysan mar kale soo laaban mustaqbalka.

“Waxa dhacay waxa ay aheyd musiibo koobka adduunka 2018, mana ahayn waxaan rajeeneenay inay nagu dhici doonaan”.

“Wali waan ka careesanahay oo waan niyad jabnay, waxaan ka raali galinayaa jamaahiirta nagu garab taagnaa garoonka iyo guryaha ama meelaha caamka ah”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close