Tababaraha xulka Belgium oo xaqiijiyay in Romelu Lukaku uu seegayo kulanka England

(Moscow) 27 Juunyo 2018 Xulka qaranka Belgium ayaa la ciyaaraya habeen dambe dhigiisa England oo labaduba ay waqti hore xaqiijiyeen u soo bixida wareega 16-ka.

Tababare Roberto Martinez ayaa xaqiijiyay in weerar yahankiisa Romelu Lukaku uusan wax tababar ah la qaadan kooxda ka hor kulanka.

Wuxuuna sheegay inuusan wax fursad ah u haysan inuu ciyaaro kulanka habeen dambe ay la ciyaarayaan ingiriiska.

Martinez ayaa la waydiiyay xaalada Romelu Lukaku ka hor kulanka ingiriiska, wuxuuna yiri:

“Hormar ayuu samaynayaa, maanta tababar nalama qaadan, sidaas darteed diyaar uma ahan kulanka barri, laakiin waxaan rajaynayaa inuu qayb ka noqdo 23-ka laacib”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close