RASMI: Liverpool oo soo bandhigtay Naby Keita iyo lambarka uu u xiranayo kooxda +SAWIRRO

(Liverpool) 27 Juunyo 2018 Liverpool ayaa soo bandhigtay laacibkeeda cusub ee Naby Keita kaas oo ay la wareegtay xaggaagii hore balse ay ku la heshiisay kooxdiisa inay qaadato xaggaagan.

Naby Keita ayaa loo xiray lambarkii Gerrard ee “8”, wuxuuna sheegay in kabtankii hore ee Liverpool uu si shaqsi ah ula jeclaaday inuu xirto lambarkaas.

“Waxaan doortay Liverpool waayo waa kooxda aan inbadan daawado, waxaan la hadlay Sadio Mane, wax badan ayuuna iiga sheegay kooxdaan” ayuu yiri Naby Keita.

“Sidoo kale, waxaan la hadlay tababare Klopp, wuxuuna ii sheegay mashruuca kooxda kaas oo i xamaasad galiyay iguna riixay inaan imaado halkaan”.

Gool FM

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close