Kubbad Cusub oo Lagu Dheeli Doono Wareega Bug Baxda ee Koobka Adduunka

( Russia ) 27 Juunyo 2018. Kubbad cusub ayaa lagu cayaari doonaan kulamada bug baxda ee koobka adduunka ee si habsamida leh kaga soconaya Russia, Sida ay shaacisay Fifa.

Kubbada lagu magaaco  Telstar Mechta  ayaa badal u noqoneysa kubbadii lagu dheelay heerka group-ka ee Telstar 18, Shirkada qalab cayaaraha ee Adidas ayaana soo saarta kubbadahaas.

Kubbadan cusub ee lagu cayaari doono ayaa lagu naqshadeeyay midabka casaanka ama gaduudka taaso lagu sheegay in lagu diira galinayo xulka martigalinaya koobka midabkiisa  iyo kuleelka sii kordhaya uu tartanku gali doono wajigiisa bug baxda.

Mechta waxaa lagu macneeyaa “Riyo ” afka ruushka iyadoo kubbadan cusub la isticmaali doono maalinta sabtida oo ay bilaabanayaan kulamada karkara ah ee koobka adduunka.

Cristiano Ronaldo iyo Harry Kane ayaa noqday labada xiddig ee lagu abaalmariyay kubbadii heerka group-ka markii ay seddaxley ka dhalyeen tartanka kulamadii ay cayaareen.

The Telstar Mechta ball

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close