HORDHAC: Serbia vs Brazil

( Russia ) 27 Juunyo 2018. Brazil ayaa la cayaari doonta kulankooda u dambeya Group E xulka Seriba oo ay weli rajadoodu nooshahay madaama ay lee yihiim 3 dhibcood.

Qaranka Selecao oo idri ku adkaaday kulankii labaad ayaa u baahan barbaro ama guul dheeshan, iyagoo sido kale doonaya saalinta sare ee group-kan.

Ogeysiiska cayaarta

Tartanka: Koobka Adduunka

Waqtiga : 09:00 pm Saacada Geeska Africa

Garsooraha: Alireza Faghani (Iran)

Garoonka: Otkrytie Arena

Wararka Labada Koox

Brazil ayaa la filayaa in aysan badalin safkii ku bilaawday kulankii 2-0 kaga badiyeen Costa Rica, xili ay goolsha waqtii dheeriga ay u dhaliyaan laacibiinta Philippe Coutinho iyo Neymar.

Danilo ayaa kaga maqnaanaya dhibaato bowdada ah iyadoo Douglas Costa uu qabo dhaawac muruqaa .

Lix kamida safka xulka Serbia ayaa qaba jaalayaal weyna ganaaxnaan doonaan hadii ay jaale qataan markale hadii xulka uu gaaro wareega 16, laakiin macalinka Mladen Krstajic ayaa la filayaa inuu xusho safka kooxdiisa koowaad.

Labada xul ayaa weli noqon kara kaalinta sare ee Group E, Sido kale waxay ku dhameynsan karaan booska labaad ama wey ka harayaan tartanka.

Xaqiiqooyinka cayaarta

Fool ka Fool

Markii ay kamid ahaayeen Yugoslavia, Serbia iyo Brazil ayaa ku kulmay afar jeer koobka adduunka. Iska hor imaadooduna waa mid ah rikoodh isku dheeli tiran midkiiba wuxuu adkaaday hal kulan iyadoo labada dheel kale ay barbaro galay.

Serbia iyo Brazil kulankii ugu horeeyay edeb ay ku kulamaan koobka adaaunka ayaa ahaa  1930 – Yugoslavia ayaana ku badisay 2-1.

Wadarta guud ahaan oo ku jirto waqtigii ay kamid ahaayeen Yugoslavia, Serbia waxay wajahday Brazil 19 jeer – kaliya waxa ay badiyeen laba mar 7 barbaro ah iyo 10 guuldaro.

Tani waa kulankii labaad oo ay kulmaan Serbia iyo Brazil oo ay tahay Serbia dowlad madax banaan – markii u horeysay waxay ku kulmeen kulan saaxiibtinimo oo dhacay bishii June sanadkii  2014, Brazil ayaana ku adkaatay 1-0.

Shaxda macquulkaa ee Serbia vs Brazil.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close