Halyayga Jorge Valdano oo kula taliyay Real Madrid inay sameeyaan saxiixa Harry Kane

(Real Madrid) 27 Juunyo 2018. Halyayga kooxda Real Madrid Jorge Valdano oo kula taliyay maamulka Los Blancos inay sameeyaan saxiixa weeraryahanka Tottenham Harry Kane halka ay ka sameyn lahaayeen saxiixa Robert Lewandowski.

Waxaa soo baxayay xiliyadii lasoo dhaafay warar ku aadan in madaxweynaha kooxda Real Madrid Florentino Perez uu wada hadalo kula jiro xidigaha Harry Kane iyo Lewandowski.

Si kastaba Jorge Valdano ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu kaga warbixiyay saxiixa uu jeclaan lahaa inay sameeyaan maamulka kooxda Real Madrid xidigaha Lewandowski iyo Harry Kane.

“Shaki kuma jiro in Robert Lewandowski uu leeyahay tayo aad u wanaagsan, laakiin imaatinkiisa kooxda Real Madrid aad ayay u adag tahay, maadaama ay Ronaldo isku boos ka ciyaaraan”.

“Aniga ahaan, hadii aan ahay mas’uul ka tirsan kooxda Real Madrid, waxaan dooran lahaa saxiixa  Harry Kane ee ma aaan doorteen Lewandowski”

“Harry Kane wuu ku da’ayar yahay xidida Lewandowski, wuxuu leeyahay tayo wanaagsan si wanaagsan ayuuna u dhameystiri karaa weerarka”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close