Dhaawaca Marcelo oo war laga soo saaray (Waa sidee xaaladiisa)

(Moscow) 27 Juunyo 2018 Daafaca xulka qaranka Brazil ee Marcelo ayaa laga saaray garoonka isaga oo Oynaya kadib dhaawac ka soo gaaray kulanka Serbia.

Taageerayaasha xulka Brazil ayaa niyad jab ka muujiyay bixitaankii Marcelo iyo Ooyintiisii, laakiin xiriirka kubadda cagta Brazil ayaa war ka soo saaray dhaawaca laacibka.

Warbixin uu soo saaray xiriirka Brazil ayaa lagu sheegay in Marcelo uu dhaawac fudud ka soo gaaray dhabarka isla markaana haatan uu caafimaad qabo.

Murqaha ku hareereysan lafta dheer ee dhabarka ayeey wax ka soo gaareen, waana la daaweeyay sida uu sheegay xiriirka kubadda cagta Brazil.

Marcelo ayaa diyaar u ah kulanka wareega 16-ka ee koobka adduunka.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close