“Waan garaaci doonaa cid kasta ee naga hor timaada”… Danny Rose

(Russia) 26 Juunyo 2018. Difaaca xulka qaranka England Danny Rose ayaa badalay inuu haatan ka fekerayo inuu ka laabto go’aankii uu qoyskiisa ugu diiday inay ka qeyb  galaan koobka aduunka 2018 ee haatan ka soconaya dalka Russia.

Danny Rose ayaa badalay go’aankiisa badalay kadib markii uu ilaa iyo haatan arkin muuqaal cunsurinimo ah ee ka dhacay marti galiyaasha koobka aduunka 2018 ee Russia.

Rose oo arintan ka hadlayay ayaa wuxuu u sheegay saxaafada. Waxay ku xiran tahay haddii aan ciyaaro, laakiin haatan qoyskeyga waxaa u furan in ay kasoo qeyb galaan daawashada koobka aduunka”.

“Aan aragno waxa dhaca waxaan dooneynaa inaan guul gaarno khamiista, kadibna waan garaaci doonaa koox kasta aan la ciyaarno bal aan aragno waxa dhaca”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close