Sergio Ramos: “Xulka qaranka Russia wuxuu ciyaaraa qaab ciyaareed heer kale ah”

(World Cup) 26 Juunyo 2018. Kabtanka xulka qaranka Spain Sergio Ramos ayaa wuxuu si xoogan u amaanay qaab ciyaareedka marti galiyaasha koobka aduunka 2018 ee Russsa kuwaasoo ay ku wada ciyaari doonaan wareega 16-ka.

Sergio Ramos ayaa sheegay in xulka qaranka Russia uu bixinayo qaab ciyaareed aad u fiican kulamadii uu kasoo ciyaaray koobka aduunka 2018.

“Waxaan ku guuleesanay ujeedkeena heerka grop-yada, inkastoo qaab ciyaareedka uusan fiicneen”

“Waxaan booska sare kaga dhemeesanay groupka B, laakiin waxa soo socda ayaa kasii adag, waxaana rajeeneynaa inaan qaab ciyaareed fiican ka sameeno kulanka Russia”.

“Qaab ciyaareedka xulka Russia ayaa isbedeley Koobka Aduunka, waxay haatan ku ciyaarayaan heer aad u fiican”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close