Mohamed Salah oo diiday inuu gudoomo abaal marinta xiddiga garoonka ee kulankii Sucuudiga (Ogoow sababta)

(Moscow) 26 Juunyo 2018 Mohamed Salah ayaa loo doortay laacibkii ugu fiicnaa kulankii dhex maray shalay Masar iyo Sucuudiga xili laga adkaaday xulkiisa.
Weerar yahanka kooxda Liverpool ayaa diiday in la gudoonsiiyo abaal marinta isla markaana lagu sawiro oo waraysi lala yeesho.
صلاح يرفض استلام جائزة رجل مباراة السعودية#السعودية_مصر #مونديال_الآن #كأس_العالم #روسيا2018 pic.twitter.com/mbxdCYBrr3
— Akhbar | أخبار الآن (@akhbar) June 26, 2018
Salah ayaa diiday abaal marinta maadaama ay bixinayso shirkad soo saarta Khamriga taas oo mamnuuc ka ah isaga maadaama uu yahay Muslim.
Waxaa ka sii horeeyay goolhayaha Masar ee Mohamed El-Shenawy kaas oo diiday abaal marintaan kulankii Uruguay.
Gool FM