Messi oo bixiyay waraysi qiiro leh kadib guushii xulkiisa Argentina ee CAAWA!

(Moscow) 26 Juunyo 2018 Kabtanka xulka qaranka Argentina ee Lionel Messi ayaa bixiyay waraysi qiiro leh kadib guushii xulkiisu uu caawa ka gaaray xulka qaranka Nigeria.

Messi ayaa sheegay inuu ogaa in ilaaheey uu iyaga la jiro isla markaana uu kalsooni buuxda ku qabay inay gaarayaan guul.

Leo oo waraysi bixiyay dhamaadkii ciyaarta ayaa yiri:

“Waan ogaa in ilaaheey uu nala jiro isla markaana uusan ogolaanayn inaan ka harno koobka, waan ku kalsoonayn inaan guulaysanayno kulankaan”.

“Waa cajiib inaan qaab kaan u guulaysano, waa farxad aan u qalanay, waxaan u mahadcelinayaa dhamaan taageerayaasha jooga halkaan sidii ay naftooda ugu hureen xulka”.

“Sidoo kale, taageerayaasha jooga Argentina ayaan u mahadcelinayaa kuwaas oo qalbiga nagala joogay, funaanada xulka Argentina ayaa wax walba ka sareysa”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close