Kooxda Dekedda oo goor dhaw ka Amba baxaysa garoonka Aadan Cadde

(Muqdisho ) 26 Juunyo 2018. Kooxda kubadda cagta ee Dekedda ayaa ku sugan garoonka diyaaadaha  ee Aadan Cadde iyagoo ku sii jeeda dalka Tanzania.

Kooxda ku guulaysatay horyaalka Soomaaliya ayaa ka qayb gali doonta tartanka  Cecafa Club Kegame Cup ,  oo aan la qaban labadii sanno ee la soo dhaafay.

Maamulka,Macallimiinta iyo ciyaartooyda kooxda ayaa ku sugan garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade, iyagoo dhawaan u amba bixi doona  magaalada Dar Es Salaam ee dalka  Tanzania.

Baanuu iyo Nakuuja ayaa kooxda Dekedda ku wehlin doonaa Koobka Kooxaha CECAFA, waxaana sidoo kale liiska ku jira Xiddig u dhashay dalka Kanya oo lagu magacaabo Ibra iyo weeraryahan ka soo jeeda Uganda kaa soo isna lagu magacaabo Mustaf.

Labadii sanno ee la soo dhaafay lama qaban Cecafa Club Kegame Cup ,waxaana u dambaysay 2015 oo ay calankeena difaacaysay naadiga Heegan.

Kooxda Yuu Cali uu hoggaamiyo ayaa tababar xoogan ku waday  garoonka Jaamacadaha degmada hodan ee gobolka Banaadir, iyadoo sidoo kale ciyaartooydu ay ku xareesnaayeen isla Jaamacadaha.

Sida qorshaha uu yahay 28-ka bishaan  waxaa jira shir kooxaha loogu aqrinayo shuruucda tartanka, waxaaana tartanka daaha laga qaadi doonaa 29-ka Juun.

Sikastaba Dekedda ayaa kullankeeda ugu horeeya la ciyaari doonta kooxda reer Tanzania ee Simba, waxaana kullankaas uu dhici doonaa 30 bishaan.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close