“Haddii ay dhab kaa tahay ku biirida Real Madrid hadaba ha ka daahin”!

(Madrid) 26 Juunyo 2018 Neymar ayaa aad loo la xiriirinayaa kooxda Real Madrid oo isku dayeeysa saxiixa suuqa kala iibsiga ee xaggaagan.

Halyeeyga reer Brazil ee Kaka ayaa talo muhiim ah siiyay laacibka PSG ee Neymar taas oo ku aadan ku biirida Real Madrid.

Kaka ayaa u sheegay Neymar inuusan ka daahin ku biirida Real Madrid haddii uu dhab ka yahay go’aan kaas.

36 jirkaan oo la hadlay La Gazzetta dello Sport ayaa yiri:

“Waa go’aan shaqsi ah, haddii uu doonayo inuu aado Madrid waa inuu isla haatan aadaa, waxaa laga yaabaa in la dhaho wuxuu u aaday PSG si uu ugu dhaqaaqo Real Madrid”.

“Haddii isagu uu sidaas doonayo, waa inuu u diyaar garoobaa in dhagihiisu ay maqlaan wax walba”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close