“fursada Argentina iyo Nigeria ayaa ciyaarta ka dhigi doonta mid aad u adag”… Jorge Sampaoli

(World Cup) 26 Juunyo 2018. Macalinka xulka qaranka Argantina Jorge Sampaoli ayaa kasoo muuqday shir jaraa’id kahor kulanka ay caawa la ciyaari doonaan Nigeria.

Xulalka Argantina iyo Nigeria ayaa caawa dagaal xoogan uu ku dhex mari doonaa fursadaha ay u heystaan  u gudbida wareega xiga 16-ka.

Kahor kulanka Jorge Sampaoli ayaa kasoo muuqday shi jaraa’id wuxuuna yiri: “Kulanku wuxuu noqon doonaa mid adag sababtoo ah xul kastaa wuxuu doonayaa inay u gudbaan wareega xiga”.

“Dhab ahaan waan ka niyad jabnay taageereyaasheena, laakiin waxaa la gaaray xiliga aan ku hor sameyn lahayn qaab ciyaareed wanaagsan kulankan”.

“Ma aanan caawinin Lionel Messi kulankii Croatia. ma uusan helin wax caawinaad ah, sababtoo ah waxaan luminay xakameynta khadka dhexe”.

“Waxaan in badan isku dayi doonaa in kubada aan gaarsiino Messi kulanka Nigeria, waa inaan bixinaa qaab ciyaareed cajiib ah, si aan ugu gudubno wareega xiga”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close