Didier Deschamps oo ka hadlay suuro galnimada ay ugu aadi karaan Argentina haddii ay soo baxdo

(Moscow) 26 Juunyo 2018 Tababaraha xulka qaranka France ee Didier Deschamps ayaa ka hadlay barbarihii xulkiisu uu caawa la galay xulka qaranka Denmark.

Didier Deschamps ayaa sheegay in xulkiisu uu diyaar u yahay inuu ka hortago xul walba oo ku soo aada wareega 16-ka ee koobka adduunka.

France oo ku soo baxday hogaanka guruub C ayaa ku aadi karta xulka Argentina haddii uu caawa xaqiijiyo u soo bixida wareega 16-ka.

Tababare Didier Deschamps oo ka hadlay suuro galnimada ay ku la ciyaari karaan Argentina ayaa yiri:

“Waa suurogal, laakiin waxaa haboon inaan sugno, balse wuxuu ahaan doonaa kulan adag, diyaar ayaan u nahay inaan ka hortagno xul walba”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close