Real Madrid oo la xiriirtay Modric si uu gacan uga gaysto saxiixa Robert Lewandowski (Qaabkee?)

(Madrid) 25 Juunyo 2018 Real Madrid ayaa la xiriirtay laacibkeeda Luka Modric si uu gacan uga gaysto dhamaystirka saxiixa Robert Lewandowski.

El Gol Digital ayaa daaha ka qaaday in Real Madrid ay ku wargalisay Luka Mordic inuu ku qanciyo xiddiga ay isku xulka yihiin ee Ante Rebic inuu u dhaqaaqo Bayern Munich si ay u helaan Lewandowski.

Luka Modric

Lewandowski ayaan doonayn inuu u sii ciyaaro kooxdiisa Bayern Munich, maamulka Bayern ayaana baadi goobaya weerar yahan ay ku buuxiyaan booskiisa.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in weerar yahanka Eintracht Frankfurt ee Ante Rebic uu ku haboon yahay Bayern Munich kaas oo ay uga baxayso kaliya 9 milyan oo Ginni.

Modric ayaa haatan laga sugayaa inuu Ante Rebic u diro Bayern Munich si Lewandowski uu ugu soo dhaqaaqo Bernabeu.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close