Raphael Varane oo ka hadlay kulanka ay la ciyaari doonaan xulka qaranka Denmark

(Russia) 25 Juunyo 2018. Difaaca xulka qaranka France iyo kooxda Real Madrid Raphael Varane ayaa ka hadlay maqnaanshiyaha Samuel Umtiti kulankooda ugu dambeeya Group C ay kula ciyaari doonaan xulka qaranka Denmark.

Raphael Varane ayaa wuxuu kasoo muuqday shir jaraa’id kahor kulanka ay la ciyaari doonaan Denmark.

“Waa inaan sii wadnaa inaan awoodeena u isticmaalno dhamaan fursadaha aan u heysano inaan sii wadno horumarka”.

Dhinaca kale Raphael Varane ayaa wuxuu ka hadlay maqnaanshiyaha difaaca kooxda Barcelona Samuel Umtiti kulanka Denmark.

“Samuel Umtiti waa ciyaaryahan wey, waxaan xiranaa isla hal maaliyad, waxaan leenahay hal u jeedo”.

“Inkastoo aan ku dagaalano gudaha dalka Spain, hadana taasi malahan wax dhibaato ah, waxaan ka wada tirsanahay hal jiir si wanaagsan ayaan isku naqaanaa”.

“Maqnaanshihiisa kulanka Denmark waa xaalad adag, laakiin waa midaan xalin doono”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close