“Portugal kuma tiirsana Cristiano Ronaldo kaligiis”… Fernando Santos

(Russia) 25 Juunyo 2018. Fernando Santos ayaa carabka ku adkeeyay in Portugal aysan ku tiirsaneen kaliya kabtankooda Cristiano Ronaldo.

Macalinka xulka qaranka Portugal Fernando Santos oo kasoo muuqday jir jaraa’id wuxuuna kaga hadlay arimo dhowr ah uu qeyb ka yahay sida uu adag yahay kulanka ay caawa la ciyaari doonaan xulka Iran

“Cristiano wuxuu sameenayaa farqi Portugal iyo kooxdiisa Real Madrid sidoo kale kooxaha Manchester United iyo Sporting Lisbon”.

“kulanka Iran ma ahan mid ay wada ciyaari doonaan Ronaldo iyo xulka Iran, sababtoo ah Portugal ma ahan kaliya Cristiano, kulanka wuxuu dhex mari doonaa Iran iyo Portugal”.

“Labada xul waxay u dagaalami doonaan sida ay guul ku gaari lahaayeen, balse waxaan rajeenayaa inaan guuleysano, waana inaan diyaar u noqono”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close