Portugal iyo Spain oo ogaaday xulalka ay la kala ciyaari doonaan wareega 16-ka (Ogoow waqtiga ay ciyaarayaan)

(Moscow) 25 Juunyo 2018 Spain iyo Portugal ayaa caawa iska xaadiriyay wareega 16-ka ee koobka adduunka kadib barbaro ay la kala galeen Morocco iyo Iran.

Xulka qaranka Spain ayaa ku soo baxay hogaanka guruub B, wuxuuna ku aadayaa xulka Ruushka oo isna ku soo baxay booska labaad ee Guruub A.

Portugal oo ku soo baxday booska labaad ee guruub B ayaa la ciyaaraysa wareega 16-ka hogaanka guruub A ee Uruguay.

Xulka Ronaldo uu hogaamiyo ayaa wajahaya Cavani iyo Suarez oo aan xitaa barbaro soo galin kulamadii wareega guruubyada.

Kulanka Portugal vs Uruguay ayaa la ciyaari doonaa sabtiga 9-ka fiidnimo, halka kulanka Russia vs Spain ay ciyaari doonaan axada 5-ta galabnimo.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close