Muxuu ka yiri Salah ka haridii xulka Masar ee koobka adduunka?

(Moscow) 25 Juunyo 2018 Mohamed Salah ayaa ka hadlay ka haridii xulkiisu uu galabta ka haray koobka adduunka isaga oo aan helin xitaa hal guul.

Salah ayaa u mahadceliyay taageerayaashii dhabar adayga u muujiyay xulka, balse wuxuu cadeeyay in khibrad yari ay sabab u noqotay inay ka haraan koobka adduunka.

Kadib kulankii guul daradu ay ka soo gaartay Sucuudiga ayuu yiri Salah:

“Waa lagama maarmaan inaan u mahadcelino taageerayaasha garab istaagay xulka kulamadii koobka, arinku waa mid adag, waxaa xulka ku jira ciyaartoy da’yar oo aan lahayn khibrad buuran”.

“Waxaan ku dadaalaynaa waqtiga soo socda inaan samayno hormar iyo inaan markale u soo baxno koobka adduunka”.

“28 sano uma soo bixin koobka adduunka, waan ka raali galinayaa dhamaan taageerayaasha, hadduu Alle idmo kan soo socda ayaan isku dayeeynaa inaan ka soo qayb galno”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close