MURUG: Goolkii Sucuudiga oo sababay geerida tababare Masri ah

(Cairo) 25 Juunyo 2018 Xulka qaranka Sucuudiga ayaa gool soo daahay uga adkaaday dhigiisa Masar kaas oo uu dhaliyay Salem Al-Dawsari.

Goolkaas oo la dhaliyay waqtigii dhimashada ee ciyaarta ayaa sababay guul daradii 3-aad ee xulka Masar ka soo gaarta koobka adduunka.

Tababarihii hore ee kooxda Zamalek cabdi raxiim Maxamed ayaa geeriyooday kadib markii uu ka naxay goolkii Al-Dawsari uu ka dhaliyay xulka Masar dhamaadkii ciyaarta.

Cabdi Rixiim ayaa ciyaarta ka falanqaynaya TV-ga dalka Masar, goolkii sucuudiga kadib wuxuu galay xaalad halis ah, isla markiiba waxaa loola cararay isbitaal halkaas oo uu ku geeriyooday.

Shacabka reer Masar ayaa aad uga murogaaday geerida tababare Cabdi Raxiim iyo guul darada xulka ka soo gaartay kulankii Sucuudiga.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close