Mourinho oo ka dalbaday maamulka kooxda Manchester United inay sameeyaan saxiixa Mateo Kovacic

(Manchester ) 25 Juunyo 2018. Jose Mourinho oo ka dalbaday maamulka kooxda Manchester United inay sameeyaan saxiixa Mateo Kovacic suuqan xagaaga.

Waxay u muuqataa in safarka Mateo Kovacic ee kooxda Real Madrid uu ku dhow yahay mid gabo gabo ah, kadib markii uu adeegiisa iska indho tiray macalinkii hore Los Blancos Zinedine Zidane.

Wargeyska “Corriere dello Sport” ee dalka talyaaniga ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in kooxda Roma ay sidoo kale qeyb kasoo noqotay loolanka loogu jiro saxiixa laacibkan khadka dhexe reer Croatia.

Sidoo kale wararka ayaa waxay intaas kusii darayaan in Inter Milan ay isku dayday in laacibkeedan ay dib kaga ceshato Real Madrid xili ciyaareedkii lasoo dhaafay, waxayna ku dooneesay qaab amaah ah.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close