Mats Hummels oo diyaar u ah kulanka South Kore iyo Sebastian Rudy oo shaki la galinayo

(Russia) 25 Juunyo 2018. Difaaca xulka qaranka Germany Mats Hummels ayaa ka soo kabtay dhaawacii kasoo gaaray dhanka cagta, wuxuuna diyaar u yahay inuu ka qeyb  galo  kulanka South Kore ee soo aadan.

Lakiin dhinaca kale waxaa shaki ku jira inuu taam u noqon doono kulanka South Kore xidiga Sebastian Rudy oo isna dhaawac kasoo gaaray kulankii Sweden.

Xulka qaranka England ayaa guul muhiim ee 2-1 ah ka gaaray xulka Sweden, kadib markii uu gool waqtigii dhimashada ah u dhaliyay xidiga kooxda Real Madrid Toni Kroos.

Joachim Löw iyo wiilashiisa ayaa kulanka soo aadan ay la ciyaari doonaan xulka South Kore wuxuu u yahay mid muhiim ah, maadaama ay ku go’aamin doonaan inay u gudbaan wareega xiga ee 16-ka, maadaama labadii kulan ay soo ciyaareen ay ka heleen 3 dhibcood oo kaliya.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close