Marco Verratti oo ku dhaw inuu heshiis cusub u saxiixo PSG

(Paris) 25 Juunyo 2018 Xiddiga qadka dhexe ee xulka talyaaniga ayaa aad ugu sii dhawaanaya inuu heshiis cusub u saxiixo kooxdiisa PSG.

Kooxda reer France ayaa beeninaysa wararkii sheegayay in tababare Tuchel uusan la dhacsanayn Marco Verratti.

25 jirkaan ayaa la filayaa inuu heshiis cusub u saxiixo kooxdiisa PSG kaas oo kor loogu qaadayo mushaarkiisa, waxaana la siin doonaa sanadkii 10 milyan oo euro.

Marco Verratti ayaa diidarada u saaran kooxo badan sida Barcelona, Real Madrid, Chelsea iyo Manchester United, balse PSG ayaa ku dadaalaysa inay sii haysato laacibkeeda.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close