Macalinka xulka qaranka Sauudi Arabia oo ka warbixiyay sirta ka dambeysa guushii ay ka gaareen Masar

(Russia) 24 Juunyo 2018. Macalinka xulka qaranka Sauudi Arabia Juan Antonio Pizzi ayaa xaqiijiyay in ay u qalmeen guushii ay ka gaareen dhigooda Masar kulankii saddexaad ay kaga soo xirteen ay kaga soo xirteen Group A.

xulka qaranka Sauudi Arabia ayaa guul kaga gaaray 2-1 dhigiisa Masar, xili labada xul qaranba ay ka hareen koobka aduunka 2018.

Kulanka kadib macalinka xulka qaranka Sauudi Arabia Juan Antonio Pizzi ayaa wuxuu kasoo muuqday shir jaraa’id wuxuuna ka war bixiyay sida ay ugu qalmeen guushii ay ka gaareen dhigooda Masar.

“Waxaan u xakameenay kubada si wanaagsan, waxaan kasoo baxnay aageena kadib goolkii inaga dhashay, sababtoo waxaan in badan dooneenay inaan guul gaarno”.

“Hadii uu xawaaraheeno noqon lahaa mid intaas kasii badan qeybtii dambe ee ciyaarta waxaan sameyn lahayn fursado badan, waxaan ka codsaday ciyaartoyda inay sameeyaan xawaare xoogan”.

“Waxaan ka codsanayaa jamaahiirta sacuudiga inay garab istaag u muujiyaan xulkooda, waxaana filayaa inay ku faraxsan yihiin xulkooda”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close