Douglas Costa oo laga cabsi qabo in laga saaro xulka Brazil ee ka qayb galaya koobka adduunka

(Moscow) 25 Juunyo 2018 Xiddiga garabka weerarka uga ciyaara xulka qaranka Brazil ee Douglas Costa ayaa wajahaya dhibaato cusub.

Douglas Costa ayaa qaba dhaawac kaas oo ka soo gaaray kulankii xulkiisu uu 2-0 uga adkaaday xulka qaranka Costa Rica jimcihii.

Waxaa la xaqiijiyay in laacibka Juventus uu si rasmi ah u seegayo kulanka Serbia oo ah kulanka ugu danbeeya ee wareega guruubyada xulka Brazil.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Douglas Costa uu garoomada ka maqnaanayo ilaa 3-isbuuc si uu uga soo kabto dhaawicii soo gaaray kulankii Costa Rica.

Tababare Tite ayaana ku qasban inuu xulka ka saaro Douglas Costa haddii la xaqiijiyo inuu maqnaanayo mudadaas dheer.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close