Yaa loo doortay xiddiga garoonka kulankii Colombia ay ka adkaatay Poland? (Ma ahan Falcao)

(Moscow) 24 Juunyo 2018 Xulka qaranka Colombia ayaa guul wayn ka gaaray dhigiisa Poland oo uu uga adkaaday 3-0.

Colombia ayaa soo nolaysay rajadeeda ku aadan u soo bixida wareega 16-ka ee koobka adduunka kadib guul daradii ka soo gaartay Japan kulankii hore.

James Rodriguez ayaa loo doortay xiddigii ugu fiicnaa kulankii xulkiisu uu caawa garaacay xulka Poland oo macsalaameeyay koobka adduunka.

James ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed fiican, wuxuuna caawiyay labo kamid ah 3-da gool ee xulkiisu uu dhaliyay.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close