“Waqtiga ayaa ina baday inaan helno fursadii ugu dambeesay” Madaxweynaha xiriirka kubada cagta ee dalka Argantina Claudio Tapia

(World Cup) 24 Juunyo 2018. Madaxweynaha xiriirka kubada cagta ee dalka Argantina Claudio Tapia ayaa xaqiijiyay in xulka Tango uu heysto fursad uu ugu gudbi karo wareega 16-ka ee koobka aduunka 2018.

Claudio Tapia ayaa shir jaraa’id uu kasoo muuqday wuxuu kaga hadlay xaalada xulka qaranka Argantina kahor kulanka soo aadan ay la ciyaari doonaan Nigeria.

“Waqtiga wuxuu na siiyay fursad cusub si uu ugu soo baxo wareega xiga ee 16-ka, waana inaan ka faa’iideysanaa”.

“Kulanka Nigeria waa mid aad u muhim ah waxaana sameyn doonaa dadaal kasta oo aan ku guuleysan karno, islamarkaana aan ugu gudbi karno wareega xiga”.

“Saxaafada waa in ay joojisaa, dhamaan waxa ay daabaceen waa hadalo been abuur ah”.

“Hada waxaad heysataan fursad aad dib ugu soo laaban kartaan, inaad dagaalantaan ayaad runtii xaq buuxa u leedihii reer Argantina, mana jirto murugo intaas kasii badan ay dareemi karaan jamaahiirta Tango”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close