Taageerayaasha xulka Japan oo arin loo riyaaqay sameeyay kadib kulankii Senegal

(Moscow) 24 Juunyo 2018 Taageerayaasha xulka qaranka Japan ayaa sameeyay arin aad loogu riyaaqay kadib dhamaadka kulankii Senegal.

Xulalka Senegal iyo Japan ayaa ku kala baxay barbaro 2-2 ah, balse taageerayaasha Japan ayaa isku howlay inay nadiifiyaan halka ay ka fadhiyeen garoonka.

Wixii wasaq lagu daadiyay kuraasta iyo caagadihii looga tagay meesha ee wax lagu cabay ayeey bilaabeen taageerayaasha Japan inay uruuriyaan oo ay nadiifiyaan kuraasta.

Falkaan oo kale waxaa horay u sameeyay taageerayaasha xulka sucuudiga kulankii ay la ciyaareen xulka qaranka Uruguay.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close