Sergio Busquets: “Morocco waxay u qalantay natiijooyin wanaagsan kulamadii ay soo ciyaareen”

(World Cup) 24 Juunyo 2018. Xidiga khadka dhexe xulka qaranka Spain Sergio Busquets ayaa wuxuu sheegay in kubada cagta ay dulmisay xulka qaranka Morocco labadii kulan ee lasoo dhaafay.

Sergio Busquets aya sheegya in xulka qaranka Morocco uu u qalmay inuu helo natiijo ka wanaagsan sida haatan labadii kulan ee lasoo dhaafay.

“Ciyaartoyda oo dhan waa kuwo aad u fiican, Iniesta, Isco, Koke, waxaan bixin dooonaa kulan aad u wanaagsan, mana ka baqayo kaarka labaad ee jaalaha”.

“Kubada cagta mararka qaar ma aahan cadaalad, Morocco waxay u qalantay natiijo intaas ka wanaagsan, laakiin ma awoodin inay badiyaan hal kulan ama ay helaan hal dhibac labadii kulan ee hore”.

Sergio Busquets ayaa sidoo kale ka hadlay saddexdii gool ee ka dhashay kulankii Portugal ay kaga daah furteen koobka aduunka 2018.

“Saddexdii gool ee inaga dhashay kulankii Portugal ma jiraan wax wal wal ah aan ka qabno muhiimada ayaa ah inaan dhalineyno goolal”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close